U bood dhigaalka

Nabaddoon Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Qeybo Kamid ah Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo kamid ahaa waxgadka sida weyn looga yaqaaanno gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyooday maanta dagaal ka dhacay deegaanka Ceelqoox oo hoostaga magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaxeeyay ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab.

Nabaddoon Cilmi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa jiidaha hore ciidamada, isaga oo mar waliba shacabka reer Hiiraan ku guubaabin jiran dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, maamulka deegaanka Ceelqooxle ayaa sheegay in weerar kaga yimid Al-shabaab ay fashiliyeen khasaarena ay gaarsiiyaan dhinaca kale.

Dilka Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay la wareegeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, allah unaxariistee nabaddoonka ayaa qeyb ka ahaa meelo badan oo ka tirsan gobolka oo dhinacyadu in badan ay ku dagaalameen.

Goobjoob News