U bood dhigaalka

Nabaddoon Lagu Dilay Degmada Afgooye

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil kooxo hubeysan ay magaalada Afgooye ugu geysteen Nabaddoon caan ah oo siweyn looga yaqaano degmada, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay falka geysteen, iyadoo marxuumka la dilay magaciisa lagu sheegay Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey.

Nabaddoonka ayaa waxaa lagu dilay meel aan sidaas uga fogeyn saldhigga degamada, waxaana xilliga la dilay uu sugayay Mooto uu rabay inuu gurigiisa u raaco, balse, mootadii uu joojiyey ayey kasoo dageen dableyda dilka geystay, iyagoo falka kadib isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray sameeyay howlgallo  baaritaano ah wallow dilka aan dad loo qaban, waxaana horay degmada Afgooye loogu dilay Nabaddoono iyo dad kale, iyadoo dilalkaas ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab, oo dagaal kula jira ciidanka dowladda iyo howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Goobjoog News