U bood dhigaalka

Nabaddoon Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Kooxo ku hubeysan Bastoolado hubeysan ayaa goordhow degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ku dilay nabaddooon caan ka ahaa degmada, waxaana laga helayaa faahfaahinno sida uu u dhacay dilkaasi.

Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa suuqa lagu iibiyo Ariga, marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Macalim Cabdi Siyaad Geedi, kaas oo kamid ahaa Ergadii wax ka soo xushay Baarlamaanka 9-aad ee federalka.

Kooxii dilka geystay ayaa goobta  isaga baxay, Ciidamada ammaanka oo soo gaaray ayaa qaaday meydka marxuumka, waxaana ay sameeyeen baaritaanno lagu baadi goobayo kooxii dilka u geystay Nabaddoonka .

Nabaddoonka lagu dilay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xulay Baarlamaanka 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya oo hadda muddo xileedkiisa uu dhammaaday, hadana loo diyaar garoobayo doorashada Baarlamaanka 11-aad oo dhici doonto 2021-ka, kaas oo bedeli doona midka jira.

Goobjoog News