U bood dhigaalka

Nabaddoon Muqdisho Ugu Geeriyooday Dhaawac Soo Gaaray Maalmo Ka Hor

Sheeko:Amniga

Nabaddoon dhowaan kooxo hubeysan ay dhaawac ugu geysteen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa galabta wuxuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaar ay ku fureen xilli uu ku siijeeday hoygiisa sedex maalin ka hor.

Allah unaxariistee marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jiicow Maxamed Ibraahim, waxaana maalmihii dambe uu ku jiray Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib dhaacawa.

Kooxaha hubeysan ayaa nabaddoonka dhaawacay 10-kii bisha isaga oo sii galayay gurigiisa, rasaas ay la dhaceen ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray qeybta sare ee jirkiisa, taas oo keentay in isbitaal la dhigo uu galabta ku geeriyooday.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal ay fuliyaan kooxo hubeysan, kuwaas oo lala beegsado shakhsiyaad, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka ama ciidanka.

Goobjoog News