U bood dhigaalka

Nabaddoon Villa Somalia Ku Eedeeyey Musuq iyo Faragelin

Sheeko:Amniga

Nabaddoon Imaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah ergadii dhawaan loo diiwaan geliyey soo xulista xulidhibaannada Galmudug ayaa sheeg in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka saartay  liiskiisa  nabaddoonada ee ku sugan magaalada dhuusamareeb.

Nabadoonka ayaa ku eedeeyey wasaaraddu in ay ka dhex wado nabaddoonada musuqmaasuq midkii ay rabtana ay soo xulanayso midkii aysan rabina ay a tageyso, waxaana uuna xusan in wasiirka booskii uu isagu ku jiray lagu badalay nin ka yimid qurbaha waxaana uu yiri ” Aniga magaceygu waxaa uu ku jiraa saxiixayaasha Numbarka 5-aad liiska adduunka oo dhan ayaa heysta kuwa rasmigaa ayaan ka mid ahay, aniga oo sugaaya inaan xaroodo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ay soo saartay liis kale oo mardhow uu soo saaray wasiirku nin oday ah oo aan qaraabo nahay oo qurba jooga  Ingiriiska dagan ayuu ku soo daray aan odayna dhaqan ama siyaasad ku matala beesha, wasiirka ayaana sameeyey arrinkaas”

Sidoo kale Nabddoonka oo hadalkiisa sii wato  ayaa sheegay in nabaddoonada dhexdooda ay ka jirto musuqmaasus iyo cadaalad darri bahsan ayna  samaynayso wasaaradda arrimaha gudaha  waxaana uu yiri” ” Arrinkaasi waa xadgudub, waa cadaalad darri, musuqmaasuq ayaa meesha ka jira, dowladda Soomaaliya musuqa ayaan la dirireynaa ayeey tiri lakiin wixii lagu heshiiyey oo ahaa Galmudug saxiixayaasheedu in ay aasaas noqdaan aniga ayaana ahaa ninka ugu mudnaa haddii Galmudug la abaal marinaayo”

Dhanka kale Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa xusay in faragelin baahsan lagu haayo saxiixayaasha Galmudug badalka asaga lagu sameeyey uu yahay mid ka socda dowladda dhexe gaar ahaa Villa Soomalia waxaana uu yiri” Faragelin ayaa lagu hayaa sixiixayaasha Galmudug waxaa faragelin ku haayo dowladda dhexe, wasaaraddeeda arrimaha gudaha, Villa Soomaalia ayuu ka socdaa arrinta aniga la igu badalay”

Ugu danbeyn Nabadoon Imaan Jimcaale Faaraxayaa carabka ku adkeeyey in ninka lagu badalay uu yahay qof laga soo saxiisay Villa Soomalia uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu yiri ” Ninka aniga la igu badalay oo odayga ah waxaa uu suuqa dhexdiisa la taagan yahay anigu waxaan wataa sixiixa Madaxweynaha  dadka reer Galmudug waa ogyihiin”

Goobjoog News