U bood dhigaalka

Nabadgelinta Soomaaliya: Hiigsasho Soomaaliya cadaalad iyo amni ah 

Sheeko:Dalka

Warsaxaafadeed September 17, 2022 Baydhabo, Soomaaliya

Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, haddana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna, muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo simanyahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsanyahay in amniga oo kor loo qaado, iyo arrimaha garsoorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Daahfurka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya ee maanta wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’aamada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga si loo helo hanaan iyo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan.

Todobada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Nabadgelinta Soomaaliya wuxuu taageero u fidin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl galayo si ay u tilmaamaan una qodobeeyaan caqabadaha hortaagan in la helo amni iyo garsoor laysku hallayn karo, isla markaana ay si wadajir ah usoo jeediyaan xulusho ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan adeeg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaamka amniga iyo garsoorka baahsan.

Mashruuca Nabadgelita Soomaaliya wuxuu bilowgaba ka hawl geli doonaa degmooyin dhowr ah (laba degmo Dawlad Goboleedkiiba) oo ka mid ah degmooyinka labada Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Sida loo dooranayo degmooyinka hawlgalka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya lagu bilaabayo waxay ku imaanaysaa ka baraandegid, qiimeyn, iyo wada-tashi lala yeeshoo hogaanka siyaased ee Dawladaha Federalka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Hawlgalka mashruucu wuxuu gaari doona degmooyin kale oo ka tirsan isla labadaa Dawlad Goboleed. Xulushada degmooyinka mar walba waxaa lagu salayn doonaa wax ka barashada iyo khibradaha laga kororsaday shaqooyinka bilowga ah ee laba, labada degmo laga qabtay, iyadoo isla markaana la eegayo in loo heli karo miisaaniyad shaqada lagu fuliyo.

Mashruuca waxaa fulin doona tiro hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah oo iskaashan doona, ayna ka mid yihiin:

  • Asal iyo Saferworld, oo iyagoo ka faa’ideynaya khibrada ay u leeyahay garsoorka iyo amniga, hogaamin doonaa dhanka dhisida hay’adaha iyo dejinta xeerarka dawliga iyo wadatashiyda la xiriira.
  • Equal Access International, Perspective Media, BBC Media Action iyo Somali Women’s Study Centre oo hogaaminta doonaa adeegsida saxaafada iyo is-gaarsiinta iyo dersida is-bedelka caadooyinka iyo dhaqamada bulshada.
  • Itad, Altai iyo Tusmo oo hogaamin doonaa cilmi barista, u kuur-gelida, iyo qiimeynta mashruuca.
  • UNOPS oo ah agaasinka maaliyada mashruuca, mas’uul na ka ah hubinta in la hirgeliyo is-bedel saamayn leh iyadoo la kaashanayo khibradihii horey loo soo maray.

Si mashruucu u taageero fududeynta adeega garsoorka iyo amniga, dadweynahana ugu sahlo inay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada bixiya adeega amniga iyo garsoorka, waxaa mashruuca hagi doonaa todobadan (7) tiir: 1) inuu deegaan gaar ah dhibka ka jira xal u raadiyo, 2) inuu xaaladaha jira la qabsan karo, kartina u yeelan karo inuu la jaanqaado, 3) inuu wada-shaqayn dhab ah kasban karo, 4) inuu dadka saamaynta leh (heer dawladeed iyo heer bulshaba) la fal geli karo, 5) inuu dersi karo, fahmi karana caadooyinka iyo dhaqamada degaanka iyo is-bedelkoodaba, 6) inuu si loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin u hawgalo, 7) iyo inuu (wa tan ugu muhiimsane) ku qotomo kuna shaqeeyo xayndaabka mabaadiida Islaamka iyo dhaqanka suubaan ee Soomaaliyeed.

Hadafka Nabadgelinta Soomaaliya waa inuu wax ku biiriyo sidii ay u xalismi lahayd caqabadaha sida gaarka ah u haysta adeega garsoonka iyo aminga, weliba kuwa mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaamada mashruucu ka hawl-galayo, isla markaana uu mashruucu ibo-fur ama bilow khayr u noqdo is-bedel wanaagsan oo saamayn balaaran oo nidaami ah ku yeesha siyaasadaha iyo qaababka loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta taasoo ku imaanaysa adeegsiga aqoonta, iyo saamaynta siyaasadeed iyo bulshaba.