Nabadoo Qaasim Cabdalle “Xildhibaanada Koonfur Galbeed Cid Aan Reer Ceelbarde Ahayn Kama Cabanayso”

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baydhabo ku xareysan si ay usoo xulaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha soo xulista baarlamaanka maamukaasi.

Nabadoon Qaasim Cabdalle oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa isaga oo u waramay Gooayaa sheegay in awood qeybsiga baarlamaanka lagu heshiiyay isla marklaana, ay jirto cabasho ay qabaan beelaha qaar.

Wuxuu tilmaamay in dadka deggan degmada Ceel-barde oo kaliya ay cabanayaan, isaga oo carabka ku dhuftay in dhismaha baarlamaanka ay ku jiraan dhammaan dadka Koonfur Galbeed wada deggan laakiin dadyowga qaar ay ka tabanayaan tirada la siiyay oo yar.

“Howsha soo xulista baarlamaanka Koonfur Galbeed gabogabo ayeey maraysaa, waxaa socda dadaallo badan, wey iska jirtaa cabasho laakiinse dadka oo dhan ma ahan, Xildhibaanada Koonfur Galbeed cid aan reer Ceelbarde ahayn kama cabanayso” ayuu yiri Nabadoonka.

Kulamo ayaa ka soconaya magaalada Baydhabo, kuwaas oo looga hadlayo dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, odayaasha wax xulayana waxaa lagu sheegay tiradooda 45 Oday oo matalaya Seddexda gobal ee kala ah Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW