U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Cabdulle “Shacabka Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe Haloo Madax Baneeyo Ka Tashiga Aayahooda”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aayaha gobolkaasi iyo gobolka Shabellaha Dhexe ay ka hadli karaan oo kaliya waxgaradka Labada dhinac oo si madax banaan u wada shira.

Nabadoonka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay af-duubtay masiirkii shacabka Labada gobol islamarkaana ay dooneyso inay meel isugu geyso dad dano siyaasadeed wata waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in dad aan shaqo ku lahayna ayaha gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay maamulaan.

“Waligeed ma dhicin annaga ma yeeli doonno in aayaheena dad kale ay ka taliyaan, annaga waxaan rabnaa in waxgaradka ay si madax bannaan uga tashadaan aayaha gobolladooda balse lagama yaabo inta sida hadda wax ku socdaan la wado inaan aqbalno” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Axmed Cabdulle mar aynu wax ka weydiinnay in iyaguba diideen in la isku tago oo ay wax la qeybsadaan gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin meel ay ku diideen gobolka Shabellaha Dhexe.

“Annaga meel aan ku diidnay malahan gobolka Shabellaha Dhexe, annaga kaliya waxaan dhahnay maadaama gobolka Hiiraan uu kasoo haray 8-dii gobol welina aan la kala qeybin hala xushmeeyo oo gogosha shirka halagu qabto dadkuna iyaga oo isku madax bannaan wax ha qeysadaan”

Waxgaradka gobolka Hiiraan qaarkood ayaa horay qaadacay shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News