U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye Oo Baaq Nabadeed Ka Diray Dagaallada Ka Socda Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxagaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay Koonfurta gobolka Mudug.

Nabadoonka waxa uu sheegay in dagaal sokeeye aanu faa’ido lahayn, islamarkaana la joojiyo dhiigga la daadinayo xilligan.

Dhinacyada dagaallamaya ayuu sheegay in looga baahan yahay in dagaalkaasi ay ku bedalaan wada hadal si loo helo xal waara oo dadka oo dhan ku diirsadaan.

“Waan ka xunnahay in xilligaan ay dagaallamaan dadka walaalaha ah, waxaan leenahay walaalayaalow joojiya dagaalkaan, wax aad isku dishaan meesha ma yaallo, nabadda ayaa wax walbo ka wanaagsan” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu Dambeyn Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka inay u istaagaan sidii loo kala badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee is dilaya.

Goobjoog News