U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye Oo Ciidamada Liyuu Boolis Ku Eedeeyay Inay Dhibaato Ku Hayaan Dad Deggan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya in dhibaato xooggan ay ku hayaan shacab ku dhaqan deegaannada Daacdheer iyo Kaxandhaale oo ku yaalla gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xadka Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay in dadka oo abaar hayso ay soo barakiciyeen ciidamadaasi, waxaana uu ka digay sii socoshada dhibaateynta dadka shacabka ah.

Nabadoonka ayaa sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ay hadda wadaan daandaansi dagaal, balse waxa uu tilmaamay in hadda aysan habooneen in la daadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee wada deggan.

“Dadkaasi deris buu ahaa, meeshaasi bay ku noolaayeen, ciidamada Liyuu Boolis waxaan kula talineynaa inay ka waantoobaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan, waxaan leenahay joojiya daandaansiga dagaal, dagaal dhibaatadiisa waa la ogyahay” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.

Dhawaan ayaa ciidamada Liyuu Boolis waxay tageen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud kuna dhaw xadka dalka Itoobiya, waxayna ciidankaan soo barakiciyeen dadkii degganaa halkaasi.

Goobjoog News