U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye Oo Fariin Nabadeed u Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaano Ka Mid ah Gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Axmed DiiriyeNabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa fariin nabadeed u diray dhamaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaano ka mid ah gobalka Mudug.

Axmed Diiriye ayaa sheegay in dagaalka aanu faa’ido u lahayn shacabka iyo sidoo kale deegaanka, loona baahan yahay wax walba oo la kala tabanayo in wada hadal lagu dhameeyo.

“Ilaahay ka baqa, joojiya xabadda, qaata nabadda, waxaad qabtaan sheega, wixii qof walba loo geystay ha u sheegto Odayaasha iyo gudiga colaadiina kusoo baxay” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in colaadda ay tahay wax mar walba saameeya deegaanka, keentana abaar iyo kala shaki mar walba dadka soo kala dhex gala, balse nabaddu ay tahay Barwaaqo iyo is aaminaad dadka ay ku wada noolaadaan.

Dagaal u dhaxeeyay beelo walaal ah ayaa dhawaan ka bilawday deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka Nabadoonka.

 Goobjoog News