Nabadoon Axmed Diiriye oo fariin u diray shacabka degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud (Dhageyso)

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa faah faahin ka bixiyay arimaha ku saabsan maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka maamul u sameynta gobalada dhexe.

Axmed Diiriye Cali ayaa tilmaamay in ay aad u rajeynayaan inuu dhaqan galo go’aanka ah in la israaciyo gobalada Mudug iyo Galgaduud oo qeyb ka mid ah Mudug xiligan ay Puntland ku doodayso inaysan ogalaan doonin maamulkaasi in la soo raacsiiyo.

Dowladda Federaalka iyo dadka ka soo jeeda labadaasi gobal ayuu Nabadoonka ugu baaqay inay si wadajir ah u taageeraan sameynta maamulkaasi si uu u taabagalo.

Dhanka kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa hadal dhowaan ka soo baxay hoggaamiyaha Puntland ku tilmaamay inuu yahay mid gef ku ah shacabka deggan gobalada dhexe, iyadoo uu sheegay in aysan macquul ahayn in Laba dhinac loo qeybiyo gobalka Mudug.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Axmed Diiriye Cali

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW