U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye “Sida ugu macquulsan halagu dhameeyo colaada mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu xaliyo dagaalkaan ka socda deegaano dhaw degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Nabadoonka ayaa sheegay in dagaal badan aanu faa’ido lahayn, waxaana uu ku cel celiyay in dagaalka uu dhibaato un ku yahay shacabka halkaasi degan.

Waxa uu sheegay in ay Odayasha dhaqanka ee jooga gobalka Mudug u wakiilanayaan dagaalkaan socda, isaga oo tilmaamay in dadka halkaasi wada degan looga baahnaa in ay is caawiyaan badalka ay dagaalamayaan.

“Sida ugu macquulsan halagu dhameeyo colaada Mudug, shacab baa dhimanaya, anaga hadaan nahay waxgaradkii waxaan joojinta xiisadaan u wakiilaneynaa Odayaasha dhaqanka ee deegaanka jooga” Axmed Diiriye ayaa sidaasi yiri.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ugu baaqay maamulada Ahlu-sunna, Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb in ay ka qeyb qaataan daminta colaadaan.

Deegaano ku dhaw degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaa ka socda dagaal beeleed u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi degan, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho u badan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News