U bood dhigaalka

Nabadoon Badal Jaamac “Dowladda Dhab Kama Ahan Dhismaha Maamulka Sh/dhexe Iyo Hiiraan”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Badal Jaamac Xirsi oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobalka Hiiraan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn dhismaha maamulka gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka furay magaalada Jowhar ay ugu dambeysay maalintii la furay islamarkaana ay dadkii isaga kala dareereen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh safarkii uu ku tagay shalay magaalada Baladweyne aanay kasoo bixi wax natiijo ama is faham ah oo ku saabsan xallinta tabashadii ay qabeen waxgaradka Hiiraan.

“Maalintii Madaxweynaha shirka furayey aniga waan joogay, markii la furay waxaa la yiri qolo walbo meeshii ay ka timid ha ahaado, dowladda dhab kama ahan dhismaha maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Badal Jaamac ayaa dowladda ka dalbaday inay caddeyso go’aankeeda kama dambeysta ah ee maamulkan la dhisayo, maadaama uu sheegay nabadoonka in aanu muuqan culeys gaar ah ay iska saareyso dhismaha maamulkaasi.

Goobjoog News