U bood dhigaalka

Nabadoon Dhaliilay Hannaanka Dhismaha Ee La Doonayo In Lagu Dhiso Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah odayaashii soo dhisay xildhibaannada hadda shaqeeya ee dowladda Federaalka ayaa dhaliilay hannaanka dhismaha aqalka sare oo uu ku tilmaamay mid keenaya khilaaf hor leh.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine ayaa sheegay in dowladdu ay ka bixi la’dahay khilaafaad soo kala dhex galay madaxda ugu sarreysa sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ama baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in dhismaha aqalka sare uu yahay mid keeni kara caqabado hor leh isagoo ku sifeeyay in uu abuuri karo ismarin waayo kale oo soo kala dhexgala madaxda dalka iyo golaha shacabiga.

Wuxuu tilmaamay Malaaq Shiine in xilligeeda aan la joogin dhismaha aqalkaasi sare oo ay ku wanaagsan tahay in dib loo dhigo.

“Uma maleynayo inay jirto baahi weyn oo loo qabo aqalka sare, waxaa jira shaqooyin badan oo dowladda looga baahnaa sida maxkamadda Dastuuriga ah, aqalkaan sare culeys cusub buu keenayaa khilaaf buu abuurayaa, aniga ma qabo in hadda lagu mashquulo dhismaha aqalka sare” ayuu yiri Malaaq Shiino.

Dhinaca kale malaaq shiino ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dalka xilligaan aanu sugneen sidoo kalena ay jiraan shacab badan oo dhibaato ku jira una baahan in loo gurmado bedalkii lagu mashquuli lahaa dhismaha aqalka sare waa sida uu hadalka u dhigaye.

12-kii April shir magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay xubnaha madasha wadatashiga qaran ayaa la’isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhiso aqalka sare ee golaha shacabka qaran.

Goobjoog News