U bood dhigaalka

Nabadoon Geeddi Firdhiye Oo Lagu Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa xalay ku diley degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho Nabadoon Geeddi Maxamuud Axmed oo loo yaqaannay Geeddi Fardhiye.

Nabadoonka ayaa la diley xilli uu Masjid ku yaalla degmadaasi kusoo tukaday salaadda cishaha, kuna soo wajahnaa hoygiisa.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ciidanka ammaanka oo halkaasi tagayna ay sameeyeen howlgal aan natiijadiisa la shaacin.

Allaha u naxariistee, Nabadoon Geeddi ayaa kamid ahaa dadkii aas aasay sida la sheegay deegaanka Garasbaaley, wuxuuna ahaa nabadoon caan ah.

Goobjoog News