U bood dhigaalka

Nabadoon Iyo Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Degmada Caabudwaaq, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Nin hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku dilay Nabadoon iyo ganacsade caan ka ahaa degmadaasi.

Nabadoonka la dilay waxaa lagu magacaabaa Abshir Faarax, halka ganacsadaha magaciisa lagu soo koobay Maxamed.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dilka geystay madaxa looga jiro islamarkaana dhawaan uu kasoo baxay xarun lagu daweeyo dadka dhimirka la.

Sidoo kale ninkan ayaa la sheegay in ehel hoose ay ahaayeen Labada ruux ee uu dilay.

Maamulka degmada Caabudwaaq weli kama aanay hadal dilkaan ka dhacay degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News