U bood dhigaalka

Nabadoon Ka Hadlay Qaabka Ay Soomaalida Isku Caawin Karto

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Maxamed Food Cadde oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon ee xilligaan dadka Soomaaliyeed isku caawin karto, maadaama muwaadiniin badan ay ku dhiban yihiin dalalka Yemen iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in is caawinta ay tahay mid muhiim u ah xilligaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana waxgaradka, aqoonyahanada iyo culimada looga baahan yahay in ay isku yimaadaan, islamarkaana shacabka ka dhaadhiciyaan sida ugu sahlan ee la’isku caawin karo.

“Kaalinta ugu haboon waxa ay tahay marka hore dadka indhaha u ah bulshada ay kulmaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobo ku aadan sida bulshada ay muhiim ugu tahay in ay caawiyaan dadka ku dhiban Yemen iyo Kenya” ayuu yiri Naboon Food Cadde.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Nabadoonka in ka waxgarad ahaan iyaguna laga doonayo is xilqaan iyo sidoo kale in shacabka ay u qeylo qaadaan, si bulshada ay u noqodaan kuwo ka maarmo gacmo shisheeye.

“Waxay ila tahay shacabka Soomaaliyeed oo kaliya ayaaba ku filan in dadka ku sugan Yemen ay soo celiyaan, waa hadii si niyad ah loo istaago, islamarkaana loogu gurmado dadkaasi” ayuu hadalkiisa Raaciyay Nabadoon Axmed Maxamed.

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaal xoogan, waxaana halkaasi ku go’doonsan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda jooga ka sugaya in ay u gurmadaan si nafta dadkaasi loo badbaadiyo.

Goobjoog News