Nabadoon ka qeylo dhaamiyay abaarta ka jirto gobalka Gedo (Dhageyso)

Nabadoon Maxamed Mukhtaar Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha gobalka Gedo ayaa qeylo dhaan ka diray abaarta ka jirta deegaano ka mid ah gobalka Gedo, waxaana saameyn ay ku yeelatay abaarta sida uu sheegay dad iyo duunyo.

Nabadoonka oo u waramay Goobjoog Fm isaga oo ku sugan magaalada Garbahaareey ayuu sheegay in xaaladda ay kaso dartay, islamarkaana ay jiraan dad u dhintay abaar iyo kuwo kalena ay dhiban yihiin.

Dadka ugu daran ee abaartaan ku dhintay ayuu sheegay in ay yihiin dadka reer Guuraaga ah oo weli aan la kulmin roob, sidoo kalena aanay haysan wax ay cunaan.

Deegaanada ugu badan ee abaarta ka jirta waxa uu sheegay in ceelashii laga waayay biyaha, roobna aanu jirin sidaa darteed ay dadkii maciin badeen in ay u cararaan meelaha ay gurmadka biyaha ka heli karaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW