U bood dhigaalka

Nabadoon Ku Baaqay In Baarlamaanka Soo Socda Lagu Soo Dhiso Karti Iyo Aqoon

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in baarlamaanka soo socda lagu soo dhiso karti iyo aqoon, si ay wax badan ugu qabtaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Suldaanka ayaa ku celceliyey in aad looga fikiro xildhibaannada lasoo xulayo, lana keeno dad u qalma xilka ay qabanayaan.

“Waxaan soo jeedinayaa cid walbo oo shaqo ku leh soo xulista xildhibaannada soo socda in la keeno baarlamaan tayo leh oo aad looga fikiro xildhibaannada lasoo xulayo, la keeno dad u qalma oo waliba la miisaamay” ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis.

Dhinaca kale Suldaan Daad ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada baarlamaanka inaysan qaadan lacag oo ay xildhibaanku ka eegaan kartidiisa iyo aqoontiisa.

Dhawaan waxaa billaaban doonta soo xulista xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Goobjoog News