U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa maanta waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dileen Nabadoon la sheegay inuu kamid ahaa ergadii wax kasoo doortay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Xuseen Axmed Culusow, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa ergadii Baydhabo wax ku dooraneysay.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo wada baaritaanno.

Nabadoonka markii la dilayey wuxuu ku sugnaaa bannaanka kore ee hoygiisa, kaasi oo ku yaalla agagaarka suuqa Ansalooti ee degmada Waaberi.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa kusoo noqnoqday magaalada Muqdisho xilli dowladda ay sheegayso in isbedal amni ka hirgelineyso guud ahaan dalka, gaar ahaan gobolka Banaadir.

Goobjoog News