U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa maanta xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir ku dilay Nabadoon si weyn loo yaqaaney degmadaasi oo lagu macaabi jirey Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle oo ku magac dheeraa (Qaloosh).

Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa la dilay xili uu fadhiyay goob ganacsi oo ku taala laanta Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid, durbaba kooxii dilka fuliyay ayaa goobta is kaga baxsaday.

Ka dib dilka marxuumka ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska Soomaaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi goobayey qolyihii dilka geystay, lakiin nasiib darro ciidamu kuma aaney guulaysan in ay soo qabtaan kooxii dilay Nabadoonka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto ciidamada dowladda, mas’uulinta ka tirsan iyo Nabadoonno caan ka ah magaalada Muqdisho oo in badan ay sheegtaan xarakada Alshabab.

Goobjoog News