U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Diley Kismaayo Iyo Jubbaland Oo Ka Hadashay

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen Nabadoon Xaaji Saciid Ciise Cabdi oo ka mid ahaa waxgaradka aad looga yaqaan magaaladaasi, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada Jubbaland.

Xaaji Saciid ayaa la diley xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday Salaadda cishaha, waxaana baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyey.

Ciidamada Jubbaland oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ay ku raadinayaan raggii wax diley, balse ma jirto cid lasoo qabtay.

Dhanka kale, Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in dilka nabadoonka ay ka dambeeyaan Al-shabaab, ayna ku raadjoogaan raggii wax dilay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno xooggan, saacadaha soo aaddanna ay rajeynayaan in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaasha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ammaanka Kismaayo ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad usoo hagaagayey, iyadoo ciidamada Jubbaland ku jireen heegan buuxa.

Goobjoog News