U bood dhigaalka

Nabadoon Sheegay In Shirka Jowhar Loo Qabtay Dad Gaar Ah

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa mar uu lasoo xiriiray Goobjoog News waxa uu sheegay in shirka ka socda magaalada Jowhar aan loo dhameyn, islamarkaana shirkaasi uu yahay mid dad gaar ah loo qabtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in ka waxgarad ahaan aan loogu yeerin in shirkaasi ay ka qeybgalaan, islamarkaana ay arkeen in dano gaar ah laga lahaa.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in shirka ay u maleynayeen mid loo qabanayo dadka wada deggan gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan balse aanay taasi arag.

“Dhaqankii rasmiga ah ee Shabellaha dhexe waa annaga, cid noo wacday malahan, dad gaar ah ayaa lagu casuumay shirka Jowhar, waxaana loo qabtay dad gaar ah, annaga waxaan u maleynaynay in shirkaan Shabellaha Dhexe iyo Jowhar loo qabanayo balse annaga hadda wax shaqo ah oo aan ku leenahay malahan” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed ayaa dhinaca kale sheegay in maalmaha soo aadan ay iyaguna soo saari doonaan go’aan mid ah oo ay ku muujinayaan diidmada shirka Jowhar.

Magaalada Jowhar waxaa 12-kii bishaan ka furmay shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News