Nabadoon Xaad “Hablaha In la Tixgeliyo, Odaygana Laga Tago Dhaqanka Soomaaliyeed Kamid Ma Ahan”

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlayey kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ayuu is weydiiyey suurtagalnimada in haweenka ay helaan 30%, Doorka odoyaashana dowladda aaney ifin.

Waxa uu tilmaamay in  macquul aaney ahayn in dumarka la tixgeliyo, dowladana ay gabtay doorka odoyaasha Soomaaliyeed.

“Doorka dhaqanka Soomaaliyeed waa laga gaabiyey, waa su’aal meesha taal, ma iyagaa ka gaabiyey mise dowladaha is daba jooga, waanan aqbaleyn oo dhaqanka Soomaaliyeed oo odoyaasha qaban, hablaha in la tixgeliyo Odaygana laga tago dhaqanka Soomaaliyeed kamid ma ahan, Islaamkana ma qabo, meel i slaantu ku xusantahay Odaygana ku xaqiran yahay macquul ma ahan, Odoyaasha dhaqanka talada dalka marti kama ahan, waxaan kula talineynaa Dowladaha midda hadda joogta iyo tan imaan doonta iney Odoyaasha ku yeeshaan door muhiim ah” ayuu yiri Xaad

Nabadoon Xaad inkasto oo u doodayo in waxgaradka heleen xuquuqdooda ayuu meesha ka saaray in ay raadinayaan koonto la siiyo waxgaradka sida haweenka oo  kale.

“Koonto ayaan rabnaa ama leenahay malihin, laakiinse waa in talada qeybteenna nalaga siiyaa, ma ahan in Odoyaasha la tikooro, talada waxbaan ku leenahay” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay Xaad.

Haweenka ayaa raad raadin ugu jiray sidii ay 30% ku heli lahaayeen kuraasta baarlamaanka, kaasi oo hoggaanka madasha Qaran isku raacday in koontadaasi dumarku xaq u leeyihiin.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW