U bood dhigaalka

Nabadoon Xaad “Waxaan Dhiseynaa Dowlad Gobaleed Tiirar Adag Leh”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha Odayaasha soo xulay Ergooyinka ka qeybgalaya shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, ayaa sheegay in hadda ay soo dhisayaan maamul sal adag leh, kana duwan maamulada kale ee dalka ka dhismay.

Nabadoonka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in marka hore la xalinayo wax walba oo kala tabasho ah, islamarkaana la dhisi doono Baarlamaanka maamulkaasi, laguna xejinayo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenadiisa, ka dibna lasoo dooran doono madaxweyne.

“Waxaan dhiseynaa Dowlad Gobaleed tiirar adag leh, waana midi ugu ficneeyd marka loo eego kuwa dalka laga dhisay, baarlamaanka ayaan isku keenaynaa, gudoomiyahooda ayeey dooranayaan, madaxweynaha ayeey sidoo kale dooran doonaan, sidaas ayaa dowlad xalaal ah ku imaanayso, waana arrin taariikhda geli doonto” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday beelo dhaliilsan hanaanka uu shirka Cadaado u socdo, waxaana uu tilmaamay in guddida xukuumaddu u saartay wada hadalka Beelaha dhaliisha qaba ay kulamo la leeyihiin waxgaradka beelahaasi.

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconayo shir maamul loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana halkaasio ku sugan waxgarad, siyaasiyiin iyo xubno kale.

Goobjoog News