U bood dhigaalka

Faah faahin: Nabadoon xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa xalay nin nabadoon ahaa ku dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga helayo qaabka dilkaan uu u dhacay.

Nabadoonka la dilayay oo lagu magacaabayay Haruuse ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye.

Dilka kadib ayaa meesha isaga baxsaday kooxdii wax dishay, waxaana dadka shacabka ah soo wajahay cabsi kadib markii dil sidan oo kale ah shalayna uu ka dhacay isla degmadaasi.

Saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Afgooye ayaa ku cel celinaya in ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadka falalka amni darro ka wada degmadaasi.

Xaaladda ayaa saaka ku soo laabatay caadi waxaana shaqeynaya adeegyadii bulshada ee degmada Afgooye, balse degmada Afgooye ayaa 24-saac gudaheeda waxaa lagu dilay Laba qof.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News