U bood dhigaalka

Nabadoonkii Labaad Oo Todobaad Gudahiisa Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan magaaladaasi.

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Nabadoonka oo lagu magacaabo Xasan Aadan Deeqow ay ku toogteen xaafadda Buundo-weyn ee magaaladaasi, iyadoo ragii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in halka Nabadoonka lagu dilay ay aad ugu dhawaayeen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, hase ahaatee aysan u suurta gelin in ay soo qabtaan ragii dilkaasi ka dambeeyay.

20-kii bishaan June isla magaalada Baladweyne waxaa lagu dilay Nabadoon Muumin Barre oo isna ka mid ahaa waxgaradka Baladweyne ugu magaca dheer.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo 21-kii bishaan saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne waxa uu sheegay in ay hayaan dad looga shakisan yahay dilka Nabadoon Muumin Barre.

Dilalka sidaan oo kale ah ayaa noqday mid kusoo laablaabtay magaalada Baladweyne, mana jirto illaa iyo iminka maamulka gobalka iyo kan degmadaasi wax ay arintaasi ka qabteen.

Goobjoog News