U bood dhigaalka

Nabih Berri Oo Markii Kale Loo Doortay Guddomiyaha Baarlamaanka Lubnaan

Sheeko:Amniga

Sharci-dejiyayaasha dalka Lubnaan ayaa u doortay guddomiyaha baarlamaanka Nabih Berri markii toddobaad, isbuucaan markii uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka baarlamaanka.

Berri, oo 84 jir ah, ayaa 65 cod ku helay 128-ka xubnood ee baarlamaanka, halkaas oo loogu doortay afhayeenka baarlamaanka lubnaan, waxaana ninkaan uu ka soo jeeda shiicada lubnaan.

Waxay ahayd aqlabiyaddii ugu yarayd ee abid uu ku guuleysto Berri, taasoo ka tarjumaysa sida uu u samaysan yahay baarlamaanka cusub oo ay Iran taageerto dhaqdhaqaaqa shiicada hubaysan ee Xisbullah iyo xulafadeeda ay lumiyeen aqlabiyaddii ay ku guuleysteen sanadkii 2018-kii.

Kalfadhiga Talaadada ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii baarlamaanka cusub la doortay May 15, codbixintii ugu horreysay tan iyo burburkii dhaqaalaha Lubnaan iyo qaraxii dekedda Beirut ee 2020.

Berri, oo hogaaminaya dhaqdhaqaaqa Shiicada Amal, ayaa xilka afhayeenka hayay tan iyo 1992-kii, waana saaxiibka dhow ee Xisbullah.

Goobjoog News