U bood dhigaalka

Naftali Bennett Oo Loo Doortay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Isreal

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa cod aqlabiyad leh lagaga  adkaday kaday kadib 12 sano oo uu maamulayay xukuumadda Tel Aviv.

Naftali Bennett ayaa loo dhaariyay ra’iisul wasaaraha cusub ee yahuudda kadib markii ay  u codeyeen xildhibaanada baarlamaanka Isreal.

Bennett ayaa soo dhisayo xukuumad isku dhaf ah oo ay kawada tirsan yihiin mucaaradka ugu saameynta badan Isreal.

Heshiiska Awood qeybsiga Isreal ayaa awood u siinaya Mr Naftali Bennett in uu xilka haayo laba sano waxaana xilka kala wareegi doono  Yair Lapid oo ah hogaamiyaha xisbiga dhexe ee Yahuudda.

Naftali Bennett ayaa ah 49 sano jir dhashay 25 march 1972, waxa uuna horay u soo noqday wasiirka difaaca Isreal.

Goobjoog News