U bood dhigaalka

Nagu saabsan

Ku saabsan Goobjoog Media Group

Goobjoog Media Group waa Shirkadda  maamusha Goobjoog FM, Radio Maandeeq, Gool FM, Goobjoog Business, Website-ka Goobjoog.com iyo Telefishinka Goobjoog.

Goobjoog FM waa idaacad madax bannaan xarunteeda ugu weyna ay tahay Muqdisho, kuna leh xarumo gobollada dalka. Website-ka Goobjoog News waxaa si toos ah looga dhageysan karaa barnaamijyada iyo warka ka baxaya idaacadda idaacadda Goobjoog FM, iyadoo la adeegsanayo aalladda tebinta toos ka ah (Live stream).

Goobjoog Media Group waa warbaahin madax bannaan, siyaasaddeeda saxaafaddeedna ay hagto baahida dad weynaha ee ku wajahan warbaahinta iyo anshaxa saxaafadda.

Gal-gal badan oo ay u leedahay Goobjoog meelaha ay wararku ka dhacayaan guddaha iyo dibaddaba iyo saxafiyiin qibrad iyo aqoon ba u leh, waxey Goobjoog u sahleysaa iney noqoto il warbaahineed oo lagu kalsoonaan karo.

Xayeysiinta

Goobjoog waxey la hadasha dhageystayaasha ugu badan gayiga Soomaaliya, iyadoo xogta ay u baahan yihiin u marsiineysa Idaacad (Radio), Mareeg (Website), Baraha Bulshada (Social Media) iyo Telfoonada gacanta farriin (SMS ALERT). Goobjoog waxey u haysaa Fursad xayeysiin, macaamisheeda kala duwan oo ay ku gaarsiin karaan adeegyadooda dhageysta yaasha Goobjoog guud ahaan, gaar ahaan kuwa dalka.

Warqabadka

Goobjoog waxey dhacdooyin u heshaa sida ugu deg-degsiinta badana. Xogta, wararka iyo macluumaadka ay Goobjoog baahiso waxaa lafdhabar u ah, warfidiya-yaal, howl-kar ah, una leh aqoon durugsan shaqadooda, soona saara xogta ugu badan waqtiga ugu muhiimsan ee dhageystayaashu u baahan yihiin, iyagoon marna ka tageyn anshaxa, sharciga iyo sumcadda saaxafadda.

Illaalinta xogta shaqsiga

Goobjoog waxey xil iska saareysa illaalinta xogta dhageystaayaasheeda, haddey ahaan lahayd aqristayaasha Website ka soo booqda iyo dhageystayaasha la wareysto, intaba.

Goobjoog waxey dhowreysa xuquuqda xogta shaqsiga sida inaan la baahin ogolaansho la’aan magaciisa, telfoonkiisa, codkiisa iyo muuqiisaba intaba.

Boogga www.Goobjoog.com wuxuu u ogolanaaya aqristayaasha iney iska diiwaan gelin karaan, si ay u helaan wararka Goobjoog, Email ahaan, Goobjoog waxey caddeyneysa ineysan xogtaas la wadaageyn cid sedexaad (Third Party).

Waxaa suurta gal ah inta aad ku guda jirto booqashada bogga www.goobjoog.cm, aad aragto tilmaamo (Links), kugu xira bog seddexaad, Goobjoog masuul kama ahan waxa ku qoran boggaas iyo wixii kaaga yimaad, bog ahaan Www.Goobjoog.com

Shuruudaha adeegsiga

Markasta oo aad soo booqato boogga Goobjoog ee ah www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com, waxaad raalli ka noqotay shuruudaha adeegsiga boogga Goobjoog.com, kuwaas oo kala ah.

1: Goobjoog waxey xaq u leedahay, iney xayeysiin kugu tusi karto, meelkastoo ka mida boggeeda Goobjoog.com.

2: Wararka, qoraalada, sawirrada iyo muqaallada kusoo baxa Goobjoog.com, waxey u dhowrsan yihiin oo Goobjoog, lamana isticmaali karo, ogolaansho iyo xigasho la’aan.

3: Dhammaad warkasta, faallo kasta iyo qoraal kasta Goobjoog, wuxuu kuu ogolaanaaya inaad aragtidaada dhiibato, oo aad faallo ka bixin karto wixii aad aqrisay, faalladaas uguma gafi kartid, shaqsi, shirkad, koox iyo cid gaara toona.

4: Waxaa dhici karta in www.Goobjoog.com, lagu daabaco, maqaallo iyo faalloyin ay qoreen shaqsiyaad Goobjoog ka tirsan ama bannaanka ka ah, taas oo ay ku caddeeyey aragtidooda gaarka ah ee ay arrin ka qabaan, aragtidaas marna ka turjimimeyso aragtida Goobjoog, ee waxa ay ku kooban tahay shaqsiga ku saxiixan qoraalkaas, isla qoraalladdaas haddey markii ugu horreysay kusoo bexeen www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com, lama qaadan karo, laguma daabici karo bog kale haddii qoraagu Goobjoog siiyey.

Wada shaqeyn

Dhageystayaashu waxey aamineen Goobjoog, Goobjoogna waxey aamintay shaqaalaheeda.