U bood dhigaalka

Nairobi: IGAD Oo Ka Shireysa Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirrada ka socdo dalalka urur goboleedkha IGAD ayaa khamiista ku kulmi-doonna magaalada Nairobi ee Kenya si meel loo saarro arrinta illaa hal Miyal oo qaxooti ah oo dalalka dariska la ah Soomaaliya joogay muddo 30 sano ah.

“Wasiirrada waxaa ay ka wada hadli-doonnaan wixii ka hirgalay heshiiskii Nairobi ee ku saabsanaa in qaxootiga Soomaalida ay dib ugu noqonayaan si iskood ah” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal IGAD ka soo baxay isniintii.

“Waxaa goobta lagu soo bandhigi-doonnaa warbixin la xiriirka wixii arrinkaas ka qabsoomay iyo mid cusub oo juquraafi ahaan muujineysa howlaha banii’aadamnimo iyo maalgelinta qorshihii hore”

Wasiirrada IGAD, waxaa la filayaa in ay soo bandhigaan qorshe hirgelineed oo ku saabsan heshiiska Nairobi iyo sidii loo hubin lahaa howlaha farsamo iyo midda maalgelinta.

Goobjoog News