U bood dhigaalka

Nairobi: Qaraxyada Iyo Rasaasta Kadib, 50 Qof Ayaa La Soo Badbaadiyey Oo…

Sheeko:Amniga

Qaraxyo iyo rasaas galabtii talaadada lala beegsaday gudaha DusitD2 Hotel oo u badan xafiisyo ayaan weli la soo afjarin, waxaana laga shakisanyahay in weli kooxdii weerarka soo qaaday ay ku jiraan dabaqa 7aad ee Hoteelka.

In ka badan 50 qof la soo badbaadiyey kuwaas oo qoyskooda is heleen, dadkaasi ayaa goobta qaraxa ku xayirnaa in ka badan 10 saac. Dad la soo badbaadiyey ayaa hoos galay kuwaas, miisaska iyo qaar musqulaha ku dhuuntay.

In ka badan laba iyo toban saacadood kaddib, waxaa weli la maqlayaa dhawaqa rasaas iyo qaraxyo walow dowladda Kenya ay sheegaytay in ciidamadeeda ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta goobtaasi.

Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarka.

Wararkan kala soco halkan

Goobjoog News