U bood dhigaalka

Nalalka Ku Shaqeeya Cadceedda Oo Laga Hirgeliyay Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Nalalka ku shaqeeya Cadceedda ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hirgeliyay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, iyadoo dad badan ay soo dhaweeyeen horumarkaasi.

Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in Nalalkani ay kaalin ka qaadan doonaan bilicda degmada iyo sidoo kale amniga guud ee degmadaasi.

Nalalkaan ku shaqeynaya Cadceedda waxaa lagu rakibay dhammaan wadooyinka degmada Jalalaqsi iyadoo habeenkii degmada uu kabaxyo iftiin badan.

Waxaa la arkayaa shacabka oo habeenkii ku damaashaadaya wadooyinka waaweyn ee degmada Jalalaqsi, iyaga oo ku faraxsan Nalalkaan loo xiray.

Nalalka ku shaqeeya Cadceedda ayaa markii ugu horeysay dalka waxaa lagu xiray magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa haatan ay ku baaheen meello badan oo ka mid ah gobalada dalka.

Hoos ka daawn6 n5 n4 n3 n2 n1o sawirada

 

Goobjoog News