U bood dhigaalka

Natiijada Doorashada Qof iyo Codka Ah Ee Puntland Oo Goordhaw Lagu Dhawaaqayo

Sheeko:Amniga

Waxaa heer gaba gaba ah saaka oo Talaada ah maraya tirinta codadka doorashada qof iyo codka ah ee sida horudhaca ah looga qabtay degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Natiijada doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ugu dhawaaqan guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland.

Guddiga oo saaka ku dhawaaqay natiijada degmada Ufeyn ayaa shaaciyay in saacado kadib si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijada doorashada Qardho iyo Eyl.

Doorashada golayaasha deegaanka Puntland ee degmooyinka seddaxda ah ayaa noqonaya nooci ugu horeyay ee tan iyo 1968 lagu qabto dalka marka laga reebo Somaliland oo iyado mudde dheer qabaneysay doorasho dadweynaha ay codkooda dhiibtaan.

Waxaa isdiiwaan geliyay  46,839 codbixiyayaal ah , halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671.

Goobjoog News