U bood dhigaalka

Natiijada Imtixaankii Mideysnaa Ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Ardayda Kaalmaha Hore Galay

Sheeko:Dalka

Imtixaankii mideysnaa ee wasaaradda waxbarashada DFS ee mudada dheer la sugaya ayaa Khamiistii shalay natiijadiisa la shaaciyay iyadoo la sheegay iney imtixaanka ku baaseen 16,000 oo kaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa ka hadlay tirada ardayda sanadkan imtixaanka ku baastay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Tirida imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada dhabta ah ee imtixaanka u fariisatay ee ka qeybgashay sandkan ay ahayd 18,239, halka markii hore dowladdu ay shaacisay in sanadkan ardayda imtixaanka u fariisaneysaa ay yihiin 23,000 oo arday, isagoon aan sheegin sababta ardayda ka reebtay imtixaanka oo ay uga qeybgeli waayeen.

Dhanka kale, waxaa la soo saaray 10 arday ee ugu sarreysa oo sanadkan uu hoggaminayo iskuulka Ibnu-Khusayma ee Gobolka Banaadir oo ardaydii ka socday ay galeen Kaalinta 1-aad iyo kaalinta 5-aad.

Najiijada
100 arday ee ugu sarreysa halka hoose ka akhriso:

003 002 001