Natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo Lagu Dhawaaqay

Xafiiska  Imtixaanaadka Somaliland ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare  ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016 ee  fasallada 8-aad ee dugsiyada  dhexe iyo 4-aad dugsiyada sare.

Natiijada Imtixaanaadkan  la shaaciyey  ayaa  bishii Shanaad ee sanadkan u fadhiisteen 15020 arday oo iskugu jira arday wax ka baratay  265 dugsi dhexe iyo  65 dugsi sare, waxaa imtixaanka ku guuldarreystay arday gaareysa 603 arday oo u dhiganta  %10, halka inta kalena ay natiijo kala duwan ugu baaseen imtixaanka sanadkan.

Wasiirka waxbarashadda Waxbarashada Somaliland  Cabdilaahi Aadan Habane iyo  guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka dowladda  Daa’uud Axmed Faarax oo si wada jir ah ugu qabtay shir jaraa’id magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay  natiijada imtixaanka  waxay soo bandhigeen 10-ka arday ee mid kasta ugu  sareeya dugsiyada dhexe iyo sare .

Imtixaankan oo ay ka qaybgaleen dhammaan ardayda  wax ka barata dugsiyada u diiwaangashan dowladda ee  gobollada Maroodijeex/Hargeysa, Saaxil , Togdheer ,  Sool, Sanaag iyo Awdal  ayaa dugsiga dhexe waxa sagaal kaalmood ka helay gobolka Togdheer  kaalina waxaa  helay gobolka Hargeysa .

Fasallada  Afraad ee dugsiyada sare gobolka Maroodi-jeex waxa uu ka helay Shan kaalmood 10ka  arady ee ugu sareeyey imtixaanka,  gobollada Awdal  iyo Togdheer ayaa iyaguna 5ta kale kala qaybsaday.

Dugsiyada ku yaalla Sool , Saaxil iyo Sanaag  waxa kaalmo ah kamay helin 20ka arday ee ugu sareeyeya imtixaanka guud ee Somaliland .

13957612_875111409261184_2084577446_n

dugsiyada dhexe

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW