U bood dhigaalka

NATO Oo Joojin Doonta Howlgalkii Ay Ka Wadeen Biyaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

NATO ayaa sheegtay in laga yaabo iney joojiyaan howlgalkii burcad la dagaallanka ah ee ay ka wadeen biyaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadashay howlgalka NATO ee biyaha Soomaaliya ayaa tilmaantay in la qorsheynayo bilo kadib iney gabi ahaanba hakiyaan howlgalladii ay kula dagaallamayeen burcad badeedda, waxaana sababta arrintaasi ugu weyn ay la xiriirtaa dhanka dhaqaalaha.

Waxay sheegtay Afhayeenkan in howlgalka markii uu joogsado kadib ay si kor ahaan ah kala socon doonaan dhaqdhaqaaqyada iyo isku dayada ay sameeyaan kooxo burcad baddeeda ah.

Waxaa jira dalal ay kamid tahay India oo sheegay in  howlgalka ay sii wadi doonaan, islamarkaana ay la dagaallami doonaan kooxa burcad badeedda Soomaalida.

Inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyey uu hoos u dhacay ugaarsiga kooxaha burcad badeedda ee ku aadanaa qafaalashada maraakiibta, waxaa hadana laga baqayaa in mar kale ay dib u dhacdo in ay soo xoogeystaan kooxahani.

Goobjoog News