U bood dhigaalka

New Zealand: Ra’isul-wasaare Uur Leh

Sheeko:Dalka

Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay maanta iney leedahay uurka canugeedii koowaadna, iyadoo intaasi raacisay in ay ogaatay waxyar ka hor doorashada, Jacinda Ardern ayaa xilliga umushana ku fakareysa iney fasax gaaban ah qaadato.

Sida ay sheegtay ReutersArdern oo bayaan soo saartay ayaa xustay in muddo 6 isbuuc ah ay  fasax qaadan doonto, ku xigeenkeeduna uu howsha dowladda sii wadi doono.

Waxay tiri: “Aragtidayda gaarka ah, waxaan aad ugu hamuun qabaa kaalintayda cusub ee hooyo nimo. Hadana isla xilligaas waxaan xoogga saaraynaa shaqadayda iyo mas’uuliyadahayga ra’isul-wasaare ahaan.”

Siyaasiyaddan oo 37 jir ah oo shacbiyad ballaaran leh ayaa waxay tahay mid ka mid ah tusaalayaal tirada yar ee siyaasiyiin la doortay iyagoo uurleh, waana arrin aan hore uga dhicin taariikhda New Zealand.

Benazir Bhutto ayaa sanadkii 1990 gabaryar dhashay iyadoo xilligaa ra’isul-wasaare ka ah dalka Pakistan.

Goobjoog News