U bood dhigaalka

Nicholas Kay “Ahlu Sunna Haka Baxaan Dhuusamareeb”

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay arinta Gobolka Galgaduud.

June, 7, 2015, Waxaa magaalada Dhuusamareeb la wareegay Ciidamo taageersan kooxda Ahlu-sunna, Ahlu-sunna ayaa magaalada ku qabsaday qaab aan dhiig ku daadan.

Nicholas Kay waxaa uu warbixin uu soo saaray ku sheegay in dhinacyada kala duwan ay xushemeeyaan heshiiskii 5 March 2015 ay kala saxiixdeen.

Waxaa sidoo kale Kay carrabta ku adkeeyay in shirka Cadaado uu horseedi doono nabad waarta oo ka hirgasha gobolada dhexe sidaa darteedna loo baahan yahay in laga sheego sidii uu ku guuleysann lahaa.

Nicholas Kay ayaa dhanka kale ugu baaqay Ahlu-sunna in ay isaga baxaan dhulka ay dowladda ka qabsatay oo ay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen isla markaana isla markaana ay wada hadal la galaan dowladda, si aan khatar loo galin waxaa uu ugu yeeray Maamul u sameynta gobolladaas.

Dhinaca kale, Isniintii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhisamaha maamulka gobollada dhexe isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan  shacabka gobollada dhexe.

Goobjoog News