U bood dhigaalka

Nicholas Kay “Afti Ayaa Loo Qaadayaa Dastuurka Sanadka 2015-ka"

Sheeko:Dalka

KayNikolas Kay, Ergeyga Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegey in sheegey in sanadka soo socda afti loo qaadayo dastuurka federaalka kadib marka la dhamaystiro dhismaha maamul goboleedyada.

Sidoo kale Nicholas Kay oo ka hadlayay sanadkani dhamaadka ah waxyaabihii qabsoomey ayuu sheegey in ciidamada AMISOM uu ahaa mid aad u mashquul badan, oo caqabada badan ay ka jireen Soomaaliya sida dhanka amaanka laakiin laba iyo toban bilood kadib in ay AMISOM la wareegtay deegaano badan.

Sidoo wuxuu sheegey  in seddex boqol oo shaqaala caalamai ah ay maalin walba ka shaqeeyaan Soomaaliya si dhibaato la’aan ah guud ahaan Soomaaliya  , UN ka waxaa ka go’an in ay joogto oo ay caawiso Soomaalia ilaa iy xad .

Dhanka kale wuxuu sheegey in wadanku ku talaabsaday hurumar dhanka siyaasada iyo ammaankaba.

“Waxaan ku faraxsan nahay in uu socdo hurumar ku aadan dhisida maamul goboleedyada tasoo ay xigi doonto wada tashiga ansixinta dastuur cusub, afti loo qaado dastuurka sanadka 2016-ka iyo doorashooyin la qabto sanadka 2016.”

“Laba sanno ee soo socoto waa waqti shaqooyin fara badan yaalaan si walba oy ahaanto AMISOM waxay u joogtaa caawin oo kaliya” ayuu yiri Nicholas Kay

Ma jiro kala qeybsanaan golaha ammaanka dhexdiisa ah sida loo wajahayo arrimaha Soomaaliya ayuu yiri Nicholas Kay oo sidoo kale sheegey in Soomaaliya gudaheeda ay maamulada qaarkoodna diyaar u yihiin fulinta federaalka halka kuwa kalana ay waxoogaa cabsi ah ka qabaan.

Nicholas Kay ayaa ugu dambeyntii sheegey in maadaamaa Qaramada Midoobey meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ay kasoo qabatay hawlo dib loogu soo dhisayo dalal burburey ay qibradaasi ku caawinayaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha qabyo tirka dastuurka.

Goobjoog News