U bood dhigaalka

Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ergayga-gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa  si aad ah u cambaareeyay weerakii shalay lagu qaaday  baabuurtii kolonyada aheedd ee waday saraakiil ka socotay Imaaraadka Carabta, taas oo sababtay  in ay dhintaan tiro dad ah.

“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa weerkii fool-xumada iyo naxdinta lahaa ee lagu qaaday maanta dad rayid ah iyo  saraakiil ka socota caalamka oo ay ka go’need ka shaqaynta iyo kaalmaynta nabad iyo qaran dhisida Soomaaliya”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah, Nikolas Kay.

“Weerarka waxaa loola jeeday in dadka ka socda caalamka laga leexiyo ama laga joojiyo kaalmaynta ay kaalmaynayaan Soomaaliya si ay u hesho mustaqbal wanaagsan, hase ahaatee Argagixisadu ma gaarayso ujeedadaas.”

Kay wuxuu si niyad ah tacsi ugu dirayaa Qaysaskii  iyo saaxiibadii  wax ku noqday weerarka,  iyo Dowladda  Imaraadka Carabta.

Ergayga wuxuu ku soo celiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay sii wadidda la dagaalanka dhibaatada ka dhalanaysa argagixisinimada iyo
taageeridda ay taageerayso Soomaaliya, iyo Gobolkuba si loo xaqiijiyo arrimaha Amniga iyo Xasiloonida.

DHAMAAD