Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Weerarkii Janaale

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerar shalay ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM ee Janaale.

Kay ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid ay aad uga xumaadeen, waxaana uu sheegay in mar walba Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Waxaan tacsi qalbi iyo laab ah u direynaa qoysaskii iyo ehladii ay ka tageen ciidamadii ku dhintay weerarkii Janaale, kuwaasi oo ka tirsanaa guutada Uganda ee AMISOM, waxay aad ugu dhiiranaayeen oo ay naftooda u harayeen inay ka gun gaaraan ayna ku dabaalaan nabad iyo xasilooni waarta Soomaaliya.

Sidoo kale Ambasador Kay ayaa yiri “ Qaramada Midoobay mar walba waxay diyaar ula tahay dadka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM in ay taageerto, si looga taqluso Al-shabaab nabad iyo xasiloonina loogu soo dabaalo dalka”

Shalay ayaa xarakada Al-shabaab waxa ay weerar ku qaadday saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Janaale Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News

Related Articles

22 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW