U bood dhigaalka

Nicholas Kay oo maanta gaaray Garoowe

Sheeko:War
kay
Nicholas Kay

Wakiilka  Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta  gaaray  magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, isagoo halkaasi  wada hadalo kula yeelanaya  maamulkaasi.

Kay ayaa la sheegay in uu  Garowe  u tegay  si uu uga shaqeeyo  isu soo dhowaynta  dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo xiriirkoodu aanu fiicnayn toddobaadyadii la soo dhaafay.

DHanka kale, Kay ayaa kala hadli doona madaxwaynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arimo khuseeya maamul u samaynta gobolada DHexe ee dalka, iyadoo   dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in howshaasi ay haatan socoto.

Puntland ayaa dhowr cisho ka hor ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, iyada oo aaminsan  in Mudug ay  hoos tagto  maamulkeeda.

Nicholas Kay ayaa  si diiran loogu soo dhoweeyay Garowe, waxaana garoonka ku sugnaa  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.