U bood dhigaalka

Nicolas Kay oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday xabsiga Godka Jilicow

Sheeko:Dalka
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay ayaa cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Kay ayaa ku yiri war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka:

“Waxaan cambaaraynayaa weerarka argagixiso ee manta ka dhacay Muqdisho, waxba uma dhimi doonaan shaqaaqooyinka noocan oo kale ah horumarka ay hiigsanayso Soomaaliya.”

Hadalka danjire Kay ayaa yimid saacad kadib weerarka maanta ay kooxdan hubaysan gudaha ugu galeen xabsiga Godka Jilicow oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya sida aadka ah u ilaaliso.

Ma jiro  wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Al-shabaab oo ku saabsan weerarkan.

Hoos ka aqriso qoraalka Kay uu ku cambaareeyay weerarka:

Kay status

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM