U bood dhigaalka

Niger: Ku Dhawaad 140 Qof Oo Lagu Dilay Xadka Mali

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 137 qof oo rayid ah  ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ku dhow xadka Mali, dowladda Niger ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo ah ku sheegtay.

Galabnimadii Axada 21-kii Maarso, 2021-kii, deegaanada Intazayane, Bakorat, Wirsnat iyo dhowr xero oo kale oo kuyaala waaxda Tillia, ee gobolka Tahoua, waxay arkeen weerar ay geysteen burcad hubaysan, ”Ayaa lagu yiri bayaanka uu TV-ga Qaranka ka aqriyay afhayeenka dowlada Niger Abdourahamane Zakaria.

Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay dhowr kalena waa la dhaawacay, Zakaria ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray “in la xoojiyay amniga iyo tallaabooyin caafimaad oo laga qaaday aagga baaritaanna la furay”.

Waxa kale oo uu ku dhawaaqay baroor-diiq qaran oo saddex maalmood ah si loo maamuuso dhibbanayaasha dhibtu soo gaartay .

Waa weerarkii labaad oo dad badan lagu dilay kaas oo ka dhaca Niger Todobaad gudihiis , 15-kii Maarso, ayey aheyd markii  dabley aan haybtooda la aqoon ayaa weerarku dileen 58 qof oo rayid ah oo ka soo laabtay suuq toddobaadle ah oo ku yaal waaxda Banibangou, gobolka Tillaberi, oo u dhow xadka Mali, sida uu sheegay Zakaria.

Gobollada Niger ee Tillaberi iyo Tahoua, oo xuduud la leh waqooyiga Mali, ayaa waxaa soo food saaray weeraro hubeysan oo soo noqnoqday tan iyo sanadkii 2017-kii oo loo aaneynayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala waqooyiga Mali.

Weerarradan awgood, ayaa dhammaan gobolka Tillaberi iyo qayb ka mid ah Tahoua waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Niger, Burkina Faso, iyo Mali oo ku taal Sahel ayaa xudun u ah mid ka mid ah dhibaatooyinka adduunka ee sii kordhaya ee barakaca iyo ilaalinta.

Gobolku wuxuu martigeliyaa 851,000 oo qaxooti ah iyo ku dhowaad 2 milyan oo qof oo soo barakacay, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Bishii Janaayo, ku dhowaad 100 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay laba tuulo oo Tillaberi ah ka dib wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha.