U bood dhigaalka

Nigeria: Muhammadu Buhari Oo Sheegay In Marlabaad Uu Isku Soo Sharraxayo Doorashooyinka Madaxtinimo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu isku soo sharraxayo mar labaad doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado in laqabto sanadka soo socda.

Buhari ayaa arrintan shaaciyey ka dib markii uu shir la qaatay xisbiga horumarinta oo uu ka tirsanyahay waxaa uuna sheegay in uu doonayo in xilka uu isku soo sharraxo mar labaad, Buhari ayaa da’diisu tahay 75 sano jir.

Doorashooyinka madaxtinimo ee Nigeria ayaa lagu wadaa in la qabto bisha Febraayo ee sanadka 2019.

Waxaa la sheegaa in madaxweyne Buhari uu ka sheeganayo dhibaatooyin caafimaad, taasi oo keentay in dhowrkii  bilood ee la soo dhaafay uu san tagin madaxtooyada, waxaana lagu daaweynayaa magaalada London ee dalka UK.

Dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa ugu baaqay Buhaari in uu xilka ka tago sababao la xiriira xaaladdiisa caafimaad.

Buhari ayaa ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimo ee dhacay Maarso 2015.

Goobjoog News