U bood dhigaalka

Nigeria: Nin Sheegay In Nabi Ciise Uu Imaanayo Bisha April oo La Xiray

Sheeko:Amniga

Booliiska Ondo ee dalka Nigeria, ayaa xabsiga u taxaabay nin baadari ah oo maamulayay kaniisad ku taalla gobalka Ondo, kadib markii kaniisadda laga soo saaray dad u cabadan caruur iyo haween  kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jiray baaderiga.

Baadarigaan ayaa loo xiray kadib markii dadka uu u sheegay in nabi Ciise uu imaanayo bisha April ee aan soo dhaafnay, taas oo sababtay in ay dadka ay dacweeyaan.

Ninka ayaa sidoo kale sheegay in maadama uusan i maan bisha April uu filayo in uu imaado bisha September ee sanadkaan 2022.

Dhacdadaan ayaa waxaa booliiska la wadaagay haweeney kamid ahayd dadka loo sheegay beenta.

Goobjoog News