U bood dhigaalka

Nigeria oo Ciidamo Keentay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Ciidamo gaaraya ilaa 144 oo ka tirsan saraakiil ka tirsan booliiska Nigeria  ayaa soo gaaray Soomaaliya waxaa sidaasi axaddii sheegay AMISOM.

Ciidankan oo loogu tala galay ilaalinta xasiloonida ayaa la sheegayaa in 30 ka mid ah la geyn doono Baladweyn halka inta kale ay joogayaan Muqdisho.

Iskuduwaha booliiska ee AMISOM Daniel Cali Gwambal oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in loo adeegsan doono ilaalada gaarka ah iyo galbinta madaxda, tababarrada iyo weliba roondada.

Goobjoog News.