Wararka Dalka

Nigeria Oo Lagu Dilay 25 Qof

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay bartamaha Nigeria, kuwaasi oo ay geysteen kooxo hubeysan.

Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha dalkaasi, weeraradan ayaa waxa ay ka dhaceen labo tuulo oo lagu kala magacaabo “Kora” iyo “Pasa” oo ku yaalla gobolka Plato ee bartamaha Nigeria.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ee gobolka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 3 caruur ah iyo 3 haween ah.

Waxa uu intaas ku daray in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ay fuliyeen weeraradaan, waxa uu tilmaamay in la samayn doono baaritaanno ku saabsan weeraradan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close